Muqdisho (KAAB TV) -Maamulka gobolka Hiiraan ayaa digniin adag u diray hay’adda aqoonsiga diiwaan galinta Qaranka ee NIRA oo ay sheegeen iney ku howlan yihiin isku dayo wax u dhimaya xasiloonida gobolka Hiiraan.
Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in NIRA ay si cad ugu kacday talaabooyin sharci daro ah oo baal marsan nidaamka dowladnimo.
“Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu si cad u muujinayaa in (NIRA) aay ku kacday tallaabooyin iskudayo ah ee aan laga tashan, oo aan waafaqsaneyn nidaamka maamul iyo sharciga u yaalla Heerarka dowladnimo ee Dalka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay hay’adda NIRA iney ka wado gobolka Hiiraan qorshe la xariira iska hor keenista dadka reer Hiiraan, waxaana Warsaxafadeedka lagu xusay in hay’adda aqoonsiga diiwaan galinta Qaranka ee NIRA qaadan doonto masuuliyada wixii ka dhasha isku dayada sharciga baal marsan.
“Maamulka Gobolka Hiiraan waxa uu si cad uga Digayaa sii socoshada tilaaboyinkaas qar iska Tuurnimada ah, waxuuna cadeeynayaa in wixii cawaaqib xumo ah oo ka dhasha iskudayadaas aan u hiilineeyn sii socoshada hormarka iyo nidaamka wadashaqeyneed, ee masuuliyadeeda si cad u qaadeeyso madaxda Hay’ada iskudayadaas sharciga baal marsan” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan.
Ugu dambeeyn maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney ilaalinayaan masuuliyada ka saaran bulshada ku nool gobolka Hiiraan, islamarkaana ay soo dhaweeynayaan tilaabo kasto oo si sharci ah loogu qaadayo dhanka hormarinta iyo daadajinta adeegga dowladnimada.