Baledweyne (KAAB TV)-Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa si adag u dhaliilay gargaar hay’adda SODMA ugu talo gashay ciidanka Macawiisleeyda oo ay geysay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Muuse ayaa sheegay in gargaarka SODMA soo gaarsiisay aysan aheyn midkii ay ka sugayeen dowladda, isagoona xusay in dhowr kartoon oo aan u qalmin Macawiisleeyda lagu keenay laba diyaaradood.
“Dadka meeshaan jooga in hay’adda SODMA u keenta dhowrkan kartoon oo ay ku qancan una sacbiyan mahan mid inaga surtagaleyso, ciidamada Macawiisleyda waxay naftooda u hureen difaaca dalka, waxeysan u qalmin in loogu keeno dhowr kartoon oo magac loogu raadinayo waa arin fadeexad iyo ceeb weyn ku dowladda ku ah,” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.
Muuse Salaad ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Fedaraalka lasoo daahday gurmadka ciidanka Macawiisleeyda Hiiraan, wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda in gargaar dhab ah lasoo gaaraan ciidanka Macawiisleeyda ee dhowrka sano dagaalka kula jira Al-shabaab.
Hadalka guddoomiyaha Hiiraan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidanka Macawiisleyda ay maalmihii u dambeeyay labo jibaareen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaas oo guulo muhiim ah ka gaaray dagaallada ka socda xuduudda u dhexeysa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Si kastaba ha ahaatee shacabka reer Hiiraan ayaa sidoo kale dhankooda si weyn baraha bulshada uga dhaleeceeyay gargaarka Shalay SODMA geysay Moqokori oo ay ku tilmaameen mid aan u qalmin reer Hiiraan.
Ugu dambeyntii gargaarkaan sida weyn loo dhaliilay ayaa kusoo aadaya, iyadoo horay hay’adda SODMA u geysay deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ee kala ah Masaajid Cali Gaduud, Ceel Cali Axmed, Nuur dugle iyo deegaano kale ay gaarsiisay deegaankasta in ka badan 10 gaadiid oo xamuul ahaa oo siday shixnado kala duwan oo gargaar ahaa, halka Hiiraana ay geysay dhowr kartoon kaliya.