SO | EN

SO | EN

Maamulka Hiiraan oo xayiraad kusoo rogay deegaano ay maamulaan Al-Shabaab

|

Beledweyne (Kaab TV)– Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan deegaanada dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi Cali Jayte ayaa ku amray gaadiidleyda ka baxa Beledweyn iyo Buulo-burde in aysan aadi karin dhanka deegaanadaas oo dhaca jiinka wabiga Shabelle Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maanta kadib aan la arki karin gaari raashin sida ama shidaal oo u safraya deegaannada ku yaala hareeraha wabiga Shabelle.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan gaadiidleyda ku xad-gudba amarkaasi isla-markaana ay la wareegi doono gaariga iyo wixii saaran Jayte ayaa amar buuxa siiyay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka isaga oo faray inay dhaqan-geliyaan go’aanka xayiraadda ah ee uu maanta soo saaray ciidamada waxay amar ku qabaan iney si buuxdo ula wareegaan gaarigii ay qabtaan isagoo u raran deegaanada shabaab ku sugan yihiin ee ku yaala hareraha jiinka wabiga Shabeelle ee Al-Shabaab Saadka u geeya qof walba haatan gaarigiisa ha ilaashado ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Dhanka kale go’aankan ayaa saameyn weyn ku yeelan karo haddii uu hirgalo xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ku sugan jiinga wabiga Shabelle ee duleedka Beledweyne.

Galbeedka Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay in kooxda looga saaro deegaanada ay ka joogaan halkaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News