SO | EN

SO | EN

Maamulka Hirshabeelle oo bilaabay Xalinta khilaaf ka taagan Xadka Hiiraan

|

Ceel Baraf (KAAB) – Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlad Goboleedka Hirshabelle C/raxmaan Daahir Guure Karoore oo ay wehlinayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Hirshabelle C/raxiin Ciise Cadoow , Wasiirka dib u heshiisiinta Maamulka Hirshabelle C/Laahi Maxamed Cumar,  Wasiirka Gadiidka & Duuliska Muuse Salaad iyo xubno kale  oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Hirshabelle ayaa gaaray Ceel Baraf & Degaano kale.

Ujeedada Socdaalka Wafdigaan ayaa ah sidii ay u dhexdhexaadin lahayeeh Khilaafka u dhexeeyo beelo wada dega Xuduuda Gobolada Hiiraan & Shabelaha dhexe oo muran ka taagan yahay .

Wafdiga ayaamarkii ay gaareen halkaas  kulan la qaatay Waxgaradka degaanada ay gaareen waxaana ay sidoo kale kulamo la qadan doonaan Waxgaradka kale.

Degaanka Xalfooleey ee hoostaga Degmada Ceel Baraf ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa waxaa ka jira muran u dhexeeyo labo beelood oo kala dega goboladaa Hiiraan iyo shabeelada Dhexe waxaana waxgaradka iyo odayaal ka soo jeeda gobolka shabeelada Dhexe ay ku eedeeyeen Mid ka mid ah Beelaha dega Gobolka Hiiraan aya sheeganyaan milkiyada Degaanka Xalfaooleey oo ka tirsan Degmadaa Ceelbaraf ee gobolka shabeeladda Dhexe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News