Tel Aviv (KAAB TV) – Maamulka Israa’iil, ayaa wali layaaban indhahana la taagaya sida uu u dhacay weerar ay kooxda hubeysan ee Xisbullaah u adeegsatay diyaarad aan duuliye laheyn, taas oo lagu weeraray saldhig ay leeyihiin ciidanka milatariga Israa’iil .
Sidoo kale, weerarka Xisbullaah ay ka fulisay gudaha Israa’iil ayaa lagu dilay afar askari oo dhallinyaro ahaa, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan, kuwaa oo qaarkood la sheegay in uu gaaray dhaawacyo aad u culus oo xaalkooda lala tacaalayao.
Dhanka kale, wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant, oo tagay saldhigga weerarka ka dhacay, ayaa sheegay in casharo fiican ka baranayaan weerarka kooxda Xisbullaah ku naafeysay askartooda, waxa uuna sheegay in ay hirgalin doonaan tallaabooyin milatari si aysan tii dhacday oo kale u dhicin.
“Waa in aan baarnaa oo aan eegnaa faahfaahinta, aana hirgelinaa tallaabooyin degdeg ah, waxaaynu sameyn doonaa dedaalo hor leh oo looga hortagayo bdiyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee weerarada loo adeegsado” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israa’iil.
Nidaamka difaaca milatariga Israa’iil ayaa ku guul dareestay in uu kahor tago weerarka loo adeegsaday diyaarada aan duuliyaha laheyn, waxa ayna wali Israa’iil la yaaban tahay sida uu u dhacay weerarkan khasaaraha aan horey loo arag uu kasoo gaaray.