Kismaayo (KAAB TV) – Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu beeniyay sheegashada dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamo horleh oo ka tirsan maamulkaasi ay maanta isku dhiibeen ciidamada DF ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Sidoo kale, maamulka Jubbaland ayaa sheegay ciidanka lasoo bandhigay oo watay doomo eysan kamid ahayn markii hore ciidanka Daraawiishta maamulkaasi, balse ay yihiin ciidamo uu abaabulay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Badhaadhe Maxamed Fanax.
“Goor hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal sadex Doomood oo sidda ciidan lagu sheegay in ay yihiin kuwa daraawiishta Jubaland, hayeeshee aysan ciidankaasi aheyn ciidan Jubaland ka tirsan, arrintaasina waxaa ka dambeyso DF oo rabto in ay sumcad disho ciidanka Daraawiishta Jubbaland”
“Warbaahin uu isticmaalaayo Eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmahanba waday sumcad dilka, qeybaha kala duwan ee ciidamada Jubbaland kuwaas oo sida caadiga ah kujira howlahoodi shaqo ee ay dadka iyo deegaankooda u hayeen” ayaa mar kale lagu yiri.
Dhanka kale, DF ayaa ayaa goor sii horeysay shaacisay in ay isasa soo dhiibeen ciidamo kale oo horleh oo kasoo goostay maamulka Jubbaland, aadna loo soo dhaweeyay.
“ Afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Maalmo kahor waxaa sidaan oo kale isku soo dhiibay ciidanka DF ee ku sugan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbaada Hoose, ilaa iyo 100 askari oo ka tirsanaa ciidan Daraawiishta maamulka Jubbalnd, kuwaas oo maalin ka hor Muqdisho laga soo dejiyay, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Sikastaba, Xiisadda dowladda federaalka ku kala furfureyso ciidanka Jubbaland, ayaa xoogeysatay si looga saaro meesha Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay.