SO | EN

SO | EN

Maamulka Somaliland oo fursad siyaasadeed ka heshay wax kabadalka Dastuurka

|

HARGEYSA (KAAB TV) – Maamulka Soomaaliland oo markii ugu horeysay ka hadashay wax kabadalka Dastuurka oo sabtidii ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya labadiisa gole ayaa si cad u shaacisay in aysan arrintaasi waxbo ka quseynin maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale, Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) oo ah Wasiirka Warfaafinta maamulka Soomaaliland ayaa sheegay talaabadii ay qaadeen baarlamaanka Soomaaliya ay soo gaba-gabeyneeso rajadii ugu dambeysay oo isku maaweelin jirtay Soomaaliya.

“Waxaa kaliya oo xusid mudan in barigii hore ay odhan jireen oo ay isku maaweelin jireen ‘dastuurka la ansixin mayo inta Somaliland meel wax la isla dhigayo’ taana way soo afjareen” ayuu yiri Wasiir Cali Xasan Maxamed (Mareexaan).

Dhanka kale, Waxa uu intaasi kudaray in Soomaaliland ay leedahay Dastuur iyada ugaar ah kaas oo loocodeeyay sanadkii 2001-dii waxa uuna sheegay in ay iska yeel yeel ku tilmaamay in Xildhibaano reer Soomaaliland ah oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen ansixinta Dastuurka Soomaaliland.

Ugudambeyn, maamulka Soomaaliland ayaa fursad siyaasadeed oo weyn kaheshay talaabadii ay sabtidii dowladda Soomaaliya qaaday, iyadoo baarlamaanka marsatay wax kabadal Dastuur kaasi oo madaxweynuhu saxiixay habeen hore xili ay soo food saartay mucaarad xooggan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News