Addis Ababa (KAAB TV) – Maamulka Soomaaliland ayaa markale ku dhowaaqay go’aan kale oo uga sii daraya xiisada badda halka ay haatan mareyso, iyadoo dhowaan maamulka Muuse Biixi uu heshiis sharci daro uu lasaxiixday dowladda Itoobiya.
Sidoo kale, Ciise Kayd Maxamuud oo haatan kusugan magaalada Addis Ababa ayaa kudhowaaqay go’aan culus oo uga sii daraya xiisada badda halka ay maanta taagan tahay.
Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibedda maamulka Soomaaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in si buuxda ay heshiiska Soomaaliland u hirgelineyso heshiiska Soomaaliland iyo Itoobiya ay kala saxiideen.
Ciise Kayd Maxamuud ayaa waxa uu intaasi kudaray in heshiiska aan lasaxiixanay Itoobiya uu yahay mid dadka reer Soomaaliland u horseedi doono barwaaqo, islamakaana uu waafaqsanyahay sharuucda caalamiga ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale, xusay in arrintan madaxweyne Biixi uu uxilsaaray xubno guddi ah oo kakooban 8 qof, islamarkaana Soomaaliland ay ka go’antahay dhaqan galinta heeshiiskan.
Maamulka Soomaaliland ayaa ilaa hada wada qorshe ay Itoobiya rabto in ay is afagarad kula gaarto, kaas oo isku badelayo heshiis dhab ah.
Ugudambeyn, kadib markii uu soo shaac baxay sheshiiskan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa xumaaday xiriirkii kadhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kale Abiy Axmed ayaa qaadaya talaabo kale oo ugu sii dareysay xiisada xumaatay ee kadhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii uu Abiy iyo xukuumadiisa toddobaadkii hore ay madaxweynaha iyo Wafdigiisa kaqeyb galaayay shirkii Midowga Africa ku abuureen qal qal ammni.