SO | EN

SO | EN

Maamullada Gedo oo taageeray wax-ka-beddelka Dastuurka Jubbaland

|

DOOLOW (KAAB TV) – Maamullada gobolka Gedo ee Doolow iyo Beledxaawo ayaa taageeray wax-ka-beddelka toddobaadkan lagu sameeyay dastuurka maamulka Jubbaland ee ay meelmariyeen xildhibaannada Maamulka Jubbaland.

Maamullada Doolow iyo Beledxaawo ayaa sheegay inay sidoo kale taageersan yihiin in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu isa soo sharixi karo wax ka badan labo mar.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo, Cali Jubba ayaa sheegay in maamulka Gedo ay u arkaan tallaabooyinka lagu bedelay dastuurka Jubbaland inay tahay mid si sax ah loo maray.

Maamulka Gedo ayaa dhanka kale mamnuucay in siyaasiyiinta mucaaradsan Axmed Madoobe aysan wax shirar oo mucaaradad ah ku qaban karin gudaha gobolka Gedo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News