Muqdisho (KAAB TV) – Horay waxaan u arki jirnay Villa Somalia oo aragti ka leh hoggaanka maamullada ciddii iyada wax la lehna ay aragtidaas difaacdo Hadda waxaa timid Villadii oo garoon u noqotay loollan aysan iyadu doonayn haddana aysan diidayn Halkaas waxaa ku dhimanaya aragtidii ay Villadu qabtay haddiiba ay aragti jirtay.
Madaxweynuhu waxa uu jideeyay siyaasad cusub oo ah LAMA-KALA-XIGAAN Wuxuu aaminay aragti ah “dadku wax isma dhaamaan” Waa runtiis oo dadku waxba isma dhamaan.
Waana sababta ay kuwii uu qaatay iyo kuwii uu ka qubayba maanta isku si asaga u majaxaabinayaan Haddiiba aanad majo-xaabin huraynin cid wax kula lahayd oo waxeedii wax ka majaxaabinaysa ayaa dhaanta cid aad waxaagii wax ka siisay oo kugu luggoysa.
Siyaasaddu sadaqo maaha!
Mar kasta oo aad rabto in arrin dawladda khuseysa wareysi u raadisid ay adkaato in la lehikaro qof diyaar u ah inuu metelo aragtida dawladda Wasiir ha noqdo ama qof kale oo Madaxweyne Xasan u dhaw ha ahaadee waxa ay ka gaabsanayaan inay hadlaan.
Qaarkood waxa ay kuu sheegayaan in aysan ku qanacsanayn waxa socda Taas beddelkeedana waxaa meel kasta taagan oo “yaa i wareysta” ah mucaarad diyaar u ah inay booska bannaan buuxiyaan oo dawladda hadli weyday u hadlaan Aan iraahdee ka hadlaan!
labo illaa saddex mas’uul oo Madaxweynaha aad ugu dhaw ayaa mararka qaar hadal iyo difaac hawaysta Iyagana cilladaha haysta waxaa ka mid ah in aysan wejiyo cusub ahayn.
Dadkii afkaaraha iyo siyaasadaha Madaxweynaha lagu doortay u taagnaana Lagana yaabo in waxa ay hadda dhahayaan ay hore u soo dhihi jireen oo qola hore ka soo dhihi jireen Loo qaateennimada “credibility” waxaa qeyb weyn ka ah aaminsanaanta waxa aad ka hadlayso.
mas’uul saaxiibbada Madaxweyne Xasan ka mid ah ayaa laga soo xigtay isaga oo ku cabanaya in maamulkoodu uu yahay midkii ugu weynaa ee ay ka macaashaan qola mucaarad ah (CBB). Sidaas oo ay tahayn loo ma oga oo waxa uu ka cawday in lagu shaabbadaynayo inay yihiin koox siyaasadeed gaar ah (Damuljadiid).
Sababta waxaa leh Madaxweynaha oo siyaasaddii uu ku guuleystay ee xisbiga ahayd ku beddelay siyaasad aan heybteeda la aqoon.
Waxa uu ka maarmay xulufadii hore ee xilka la raadisay oo uu malaha ka cararay inay wax la yeeshaan Wasiirradiina waa ay uga daysadeen oo sida uu asagu xulafo cusub oo aan waxba la lahayn waxna ku sheegan karin u samaystay ayay iyaguna [intoodii wax heshay] u samaysteen kuwa aanan waxba la lahayn.
Cidda keliya ee markii meelaha la eeg eegay la arkay in aysan cid maanta joogta waxba la lahayn waxa ay noqdeen (CBB), iyaguna wixii ay lahaayeen hore ayay u soo cuneen, saddaqadii hadda la siiyana waa ku sii sugi karaan inta wax ay leeyihiin ay uga soo noqonayaan.
Waxaa la isku raacsan yahay in Madaxweynuhu uu iska indhotiray kasbashada iyo iska-dhisidda dadweynaha oo ahaa mid ka mida waxyaabihii ka caawiyay inuu mar kale xukunka ku soo laabto.
Laakiin arrinta yaabka leh waxay tahay in isla lacagtii dawladda lagu bixiyo sumcad-dilka iyo suurad-xumeynta Madaxweynaha iyo shaqooyinka uu qabto.
Qaabka ay arrintan ku dhacday waa mid sheeko kale iyo falanqeyn gaar ah u baahan Balse si kooban haddii aan u dhigno xukun iyo xoolaba haddii aan aragti iyo ajande lagu hawlgalinin waxaa adeegsanaya cid aad u ogolaatay oo ulakac iyo ogaal-la’aan mid ay ka ahaataba adiga kugu aafayn doonta.
Marka siyaasadda la kala lahaan waayo waxaa dhacaysa in ay saaxiibbada iyo cadawgu kuu sinnaadaan.
Waxaadna dhaxlaysaa garabla’aan iyo in kuwii shalay lagaa doortay aad adigu ka doorato kuwii lagula doortay Natiijada ugu dambeysana waxa ay noqonaysaa guuldarrada ajandayaashii iyo ujeeddooyinkii aad u taagnayd.
Haddii aad adigu isku aragto hoggaanka iyo cidda keliya ee hubta halka loo socdo siyaasadda iyo guusheedu nin is-huba inta ay ku xiran tahay waxaa ka badan inta ay ku xiran tahay “nin la hubo oo heyb-wadaag siyaasadeedna hiil ka helaya”.
Sidii aad xilka ku heshay ayaa xukunkaagana lagu hawlgaliyaa Saaxiib siyaasadeed waa midka xilka kula raadiya ee ma ahan kan xukunka kugu soo raaca.
Caqabadaha ugu weyn ee hadda madaxweynaha haysata waa miraha siyaasadda heyb-la’aanta ah ee uu hirgeliyay.
Markii uu Madaxtooyada galay xataa kobihiisii bannaaanka uga ma uusan tegin Waxa keliya ee uu ka tegay waa heybtii afkaareed ee horseedday guushiisa.
Natiijadu waxa ay noqotay in dadkii shalay asaga [Xasan] hiilka siyaasadeed u la heellanaa amase heyb-wadaagta siyaasadeed la ahaa ay maanta u kala baxaan laba koox mid uu quudiyay iyo mid uu qadiyay Labadaba waxa ay ka siman yihiin saluug siyaasadeed iyo niyadxumo. Qaar hoosta ayay ka sheegayaan [maadaama uu afku u buuxo]. Qaarna afkaa faaruq ah oo u furan.
Xasan Sheekhii shalay xisbiga iyo xulufada lahaa ee isbeddelka siyaasadeed ku yimid iyo Xasanka hadda LAMA-KALA-XIGAANKA noqday waxaa u dhexeeya farqi weyn oo ah in hankii iyo himiladii midkii hore laga dhowraayay ay laba sano ka dib maanta qaarna weli maqan yihiin qaar kalena wixii laga helay ay halis galinayso hagardaamada ka dhalatay heyb-la’aanta siyaasadeed ee Villada lagu hago.
Waxaa laba sano ka dib halis ku jira guulihii laga soo hooyay hawlgalladii iyo halgankii uu intiisa badan madaxweynuhu isku kaliyeeyay balse mirahooda lagu hilmaamayay wax kastoo dhaliil ahaa.
Wax walba oo lagu guuleystay waxaa halis galinaya lahaansho-la’aanta siyaasadda Xasan oo keentay loollan iyo legdan gudaha ah oo waxa keliya ee ku baaba’aya ay tahay iniinta iyo abuurkii waxqabadkiisa.
Laba sano ka dib waxaa weli sidii hore si la mida loo heybinayaa Xamar oo maamul ay iyadu soo dooratay iyo maqaam siyaasadeed leh.
Waxaa weli cabanaya reer Muqdisho oo leh “na ma qabato wax aanan maamullada kale qaban” Cidda ay hadda la hadlayaanna waa ciddii shalay u hadlaysay oo ay hiillada ka sugayeen Waa Xasan Sheekh! Mase ahan midkii shalay. In uu noqdase laga ma quusan oo weli waqti waa u harsan yahay!.

