SO | EN

SO | EN

Maareeye oo qoraal xasaasi u diray madaxweyne Biixi

|

Muqdisho (Kaab TV)– Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Somaliland oo haatan ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwa dagaal oo ka taagan deegaanada maamulkaasi Maareeye ayaa si gaar ah u dul istaagay doorashada Somaliland wuxuuna farriin u diray madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay inuu diiday toolooyinkii loo soo jeediyay.

Madaxweyne sida aad ogtahay Somaliland halkii sano iyo badhkii u dambeeyey waxaa ka taagnaa muran siyaasadeed oo dhinaca doorashooyinka ah oo laysku hayey doorashada Asxaabta ayaa soo hormaraysa iyo doorashada Madaxweynaha ayaa soo hormaraysa. Sidoo kalena 3dii bilood ee u dambeeyey waxaa ku soo biiray colaada Laascaanood oo markii hore ku bilaabmantay cabasho dadweyne oo xaq ahayd, laakiin isla markiiba loo bedelay dagaal leh weji qabiil iyo mid qadiyado kale oo daba-dheeraan kara.

Waxaan aaminsanahay Mudane Madaxweyne in aad fahamsantahay in hadal-jeedintaada labada gole ee maalinta Isniinta in ay ku soo beegantay xilli xaasaasi ah, oo la filayo in ay ka duwanaan doonto hadal-jeedimahaagii hore ee Somaliland degan oo aan dagaal ku jirin.

Hadal-jeedintaada labada gole ka sokow waxaa dhegaysanaya shacabka Somaliland ee iyagoo duruufo adag oo nololeed ku jira ay wareeriyeen muranka siyaasadeed iyo daneeyayaal badan oo gaal iyo muslim-ba leh oo dabcan sida caadiga ah isugu jira kuwo jecel degan oo nabad ah iyo kuwo jecel SL dunta oo isdisha doorkan qudbadaada waxba waqti ha iskaga lumin in aad cid u hanjamto ama ka hadasho arimaha geeska iyo kuwa Caalamka hadal- jeedintaada waxaa laga fiirinayaa oo keliya si aad uga hadasho arimaha gudaha iyo doorashooyinka isla marka aad dhameysona waxaad noqon doontaa hogaamiye quus ah oo hogaan kala bax-ah ama hogaamiye fahamsan duruufta siyaasadeed mida amni iyo bulsho ee Somaliland ku jirto oo uga tanaasula dadkiisa wax badan oo uu jecel yahay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News