Muqdisho (Kaab TV) – Ciidan boolis oo ka amarqaata Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi ayaa saaka xiray afar saxafi oo ka kala tirsan warbaahinta Risaala Media Corporation iyo #5TV.
Saxafiyiinta ayaa xilliga la xirayey ku jiray hawl maalmeedkooda, waxayna warbixino ka soo dirayeen goobta uu qaraxa khasaare geystay ee ka dhacay ee agagaarka isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho.
Wariyaasha ayaa qalabkoodii laga qaatay waxaana lagu xiray Saldhigga Xamar Jajab. Waxaase markii dambe loo kexeeyay goob kale oo sida la sheegay uu dalbaday Macalin Mahdi.
Wariyeyaasha la xiray ayaa kala ah:
1. Maxamed Siciid Nuur (Muuqaal duube Risaala TV)
2. Qaasim ibraahim Cadaan (Wartebiye Risaala TV)
3. Maxamuud Soofeysane (Wartebiye 5TV)
4. Isxaaq Rashiid (Muuqaal duube 5TV)
Suxufiyiinta ayaa la geeyay xafiiska Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo ku yaalla xarunta Taliska Booliska ee Qeybta Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen suxufiyiinta markii la siidaayey.
Handadaadii Macalin Mahdi
Ka hor intaan la siideyn goordhow, afarta weriye ee kala ah Maxamuud Soofeysane (5TV), Isaaq Rashiid (5TV), Maxamed Siciid Nuur (Risaala TV), Qaasim Ibraahim Aadan (Risaala TV) ayaa la geeyay qol ku yaalla Xarunta Taliska Qeybta Booliska Gobolka Banaadir, halkaasoo uu ugu yimid Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi.
Sida ay Somali Journalists Syndicate – SJS u xaqiijiyeen saxafiyiintan, waxaa qolka kula hadlay Macalin Mahdi oo ku yiri “Ma awoodaan inaad warar qaraxyo ku saabsan kasoo tebisaan dhulka al-Shabaab ay joogaan?. Waxaa la mamnuucay soo tebinta wararka qaraxyada ka dhacaya Muqdisho. Muuqaal kasta oo warbaahintiina laga baahiyo waxaa noo soo gudbiya Wasaaradda Warfaafinta oo nagu dheheysa boolis haddaa tihiin shaqadiida maad qabsataan?, Maxaad u soo xiri la’ dihiin dadka wax u dhimaaya sumcadda?”
Macalin Mahdi oo saxafiyiinta cabsi gelinaya ayaa intaas ku daray “Waxaan awoodnaa inaan maxkamadda idin geyno, oo aan dembi idiin yeelno idkuna eedeyno arrimo culus. Kaddibna 45 maalin oo baaristaan idin ku heyno. Xeer ilaalintuna waad og tihiin waxay idinku sameyn kartaa iska daba wareejin sida la yeelay Abdalle Ahmed Mumin oo kale ayaan sameyn karnaa. Laakiin hadda sidaas idin ma yeeleyno.”
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa ugu dambeyn weriyayaasha ugu hanjabay inuu soo xiri doono haddii ay markale soo tebiyaan dhacdooyinka amni darrida ee ka dhacaya Muqdisho.
Waxaa la siidaayey afarta saxafi oo dhammaantood loo soo celiyay telefoonada iyo agabkii ay ku shaqeynayeen oo markii hore laga qaatay.


