MUQDISHO (KAAB TV) – Ugu yaraan afar madfac ayaa saaka oo Khamiis ah ku dhacay deegaanka Ceel-Qalow oo ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof oo rayid ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Madaafiicdan ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay guri ay degan yihiin dad shacab ah, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, mana jirto ilaa hadda wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Al-shabaab ayaa caan ku ah weerarrada madaafiicda ah ee ka dhaca Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.
Bishii Abriil, kooxda xagjirka ah ayaa weerar hoobiye ah ku qaadday madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo ay ku dileen saddex qof oo rayid ah afar kalena way ku dhaawacmeen.
Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho oo sidoo kale loo yaqaano Villa Somalia ayaa waxaa degan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.