SO | EN

SO | EN

Madaafiic lagu garaacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

|

Laascaanood (Kaab TV)– Faahfaahino dheeraad ah ayaa naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka maadaafiic xoogan laga maqlay furimaha dagaalka xoogan ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Somaliland madaafiic ku garaaceen deegaanka Maraga oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi waxaana kadib jawaab ka bixiyay ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wali macada qasaaraha kadhasahay madaafiicdaas waxaana magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool laga dareemayaa xaalad kacsanaan sida ey inoo xaqiijeyeen ilo dadka deegaanka ah sidoo kale wararka laga helayo gobolka sool ayaa sheegaya ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo duleedka magaaladaasi wararka ayaa intaasi kudaraya in cabsi xoogan laga dareemayo iyado laga cabsi qabo in halkaasi uu markale dagaal dib uga qarxo.

Waxaa horay loogu guul dareystay baaqyo nabadeed oo loo dirayo labada dhinac ee kudagaalamaya Laascaanood xaalada magaalada Laascaanood ayaa haatan umuuqata mid hawada kasii baxeysa ayadoo labada dhinac ey hawada isku marinayaan hanjabaado laxiriira dagaalka Laascaanood.

Hasayeeshee waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool bilihii udambeeyay kasocda dagaal xoogan oo u dhexeeya Isimada SSC iyo Soomaaliland dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac in kabadan kumanaan qufood oo u  badan dad Rayid ah oo waxba galabsan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News