SO | EN

SO | EN

Madaale oo kashifay walxo khatar ah dekedda iyo garoonka laga soo dejiyo

|

Muqdisho (Kaab TV)– Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa sheegay in dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho laga soo dejiyo maandooriyaha, halkaan ayuu guddoomiyuhu ka sheegay degmada Wartanabadda.

Howlgal culus oo ciidanka booliska ay ka fuliyeen Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu soo qabtay maan-dooriyihii ugu badnaa, waxaana lagu soo bandhigay dhowr degmo.

“Waa u jeediin Xashiishkaan, dhalinyaro badan iyo nin oday ah oo ka ganacsa jiray waa lasoo qabtay, gurigii ay maandooriyahaan ku sameyn jireenna waa lala wareegay.”

“Tani waa nasiib darro, wiilal jaamacado dhigta ayaa ku dhex jiray ragga aan soo qabanay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay saldhigga booliska degmada Wartanabadda.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inay heleen xogta halka lagu beero Xashiishkaas, “Waxaa Xashiishkaan lagu beeraa beero ku yaalla Sh/Dhexe, waxaana xogtaas la wadaagi doonaa cidda ay khuseyso,” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Sidoo kale waxaan ogaanay in dekedda iyo garoonka Muqdisho laga soo dejiyo maandooriyaha, waxaan leenahay maamullada xaruntaas hubiya waxyaabaha idin soo maraya.”

Guddoomiyaha gobolka, ku xigeenkiisa dhinaca amniga iyo taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka ayaa xalay tegay xaruntii ugu weyneed ee Calaqa lagu samey jiray oo ku taalla degmada Heliwaa, halkaas oo loogu tegay 30 fuusto oo Calaq ah iyo raggi ka ganacsanayey.

“Sida argagixisada loola dagaalamayo ayaan ula dagaalami doonaa maandooriyaha, si dadkeenu uga badbaadaan maamulka gobolka Banaadir wuxuu xoogiisa isugu geynayaa suulinta maandooriyaha,” ayuu hadalkiisa ku soo daray duqa Muqdisho.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News