Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Madaale ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka dalka looga saarayo kooxda Al- Shabaab.
Sidoo kale, Yuusuf Madaale oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in shacabka gobolka Banaadir looga baahanyahay in ay si wadajir ah uga qeyb galaan dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale, Madaale ayaa sheegay in ganacsatada , odayaasha iyo dhallinyarada magaalada Muqdisho looga baahan yahay in doorkooda ka qaataan dagaalka ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna farriin hanjabaad ah u diray dadka ka cabsanaya kooxda Al Shabaab.
“Dadka kulamada looga arrinsanayo ka qeybgalka dagaalka lagu cirib-tirayo Al Shabaab aan imaan, ama ka dhuumanayo cabsi Shabaab awgeyd,waxaan tuseynaa in sida cadawaga ay uga cabsanayaan si lamid ah nooga cabsadaan,xabsiga ayana la dhigayaa” ayuu yiri Madaale.