Dhuusamareeb (KAAB TV) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo xubno la socda ayaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Sidoo kale, madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, madaxda maamulka Magaalada Dhuusamareeb, Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wafdiga guddoomiyaha gobolka Banaadir .
Dhanka kale, Yuusuf Madaale ayaa u tagay magaalada Dhuusomareeb sidii uu kulamo ula soo qaadan lahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , oo sida xogaha soo baxaya sheegayaan ugu yeeray in uu deg deg ugu yimaado.
Madaxweynaha ayaana Duqa Muqdisho kala hadli doona arrimo dhowr ah ay kamid yihiin sidii uu kaalintiisa uga qaadan lahaa abaabulka degan ee lagu xureynayo deegaannada beeshiisa degto oo kamid ah goobihii ay soo banneeyeen ciidanka dowladda.