MUQDISHO (KAAB TV) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir Daahir Maxamed Raajis.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaale ayaa xilkii looga qaaday Daahir Maxamed Raajis oo muddo aan sidaa u badneyn xilkaas hayey sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo.
Madaale ayaa gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne u magacaabay nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Siidii.
Lama oga sababta xilka looga qaaday gudoomiyihii degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir Daahir Maxamed Raajis iyo waxa kalifay isbedelkan.
Iyadoo la ogyahay in saacadihii lasoo dhaafay si weyn u dhex wareegayay baraha bulshada muuqaalada qaar kamid ah dadkii deganaa dhulka Casa italia oo cabanaya, ayada oo qaarkoodna ay sheegeen in dano shaqai ah looga saaranayo dhulkaasi, taasi oo uu meesha ka saaray maamulka gobolka.