MUQDISHO (KAAB TV) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf wuxuu ahmiyadiisa shaqo ee maamulka gobolka Banaadir uweeciyay in uu madaxweyne Xasan Sheekh lariixo arrimaha wax kabadalka Dastuurka.
Shalay wuxuu boqolaal kamid shacabka reer Muqdisho isugu keenay fagaaraha daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho waxaana isku soo baxan lagu sheegay mid lagu taageerayo howsha Dastuurka.
Inkastoo dadka kahadlay fagaaraha daljirka daahsoon aysan Kuhadlin erayo munaasib ah sida in uu Xasan Sheekh leeyahay Dastuurka, hadane Madaale wuxuu umuuqday mid qudbadiisa kusoo jiidanaayo madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda sare ee dowladda isagoona weeraray mucaaradka.
Dadka inta badan leyskugu keeno fagaarayaasha ma ahan dad laheysto mowduuca ee waa dad lagu soo bixiyo amar maamul, waana yaryihiin dad Dastuurka iyo qodobada sida gaarka ah leyskugu hayo fahansan.
Lakiin mida muhiimka ah waa in leys weydiiyo aaway maamuladda kale ee dalka, sida Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland waxey bishii May ee sanadkii hore madaxweyne Xasan Sheekh kaqaateen muddo kororsi isagana waxa ay u ogolaadeen in Dastuurka qodobada uu rabo ayna kala shaqeeyaan meelmarintiisa marka laga reebo maamulka HirShabeelle waa qaateen muddo kororsiga lakiin dhamaantood gacmaha ayey kalaabteen shaqada socoto ee Dastuurka.
Maamulka HirShabeelle iyadoo aan lasiinin wax muddo kororsi ah ayey dhinac kagashay balanta waxaa madaxda maamulada laga soo wariyay in aysan kuqanacsaneen sida uu wax uwado madaxweyne Xasan Sheekh laakiin aysan rabin in ay kahoryimaadaan madaama uu iyaga tooda aqbalay.
Ereyga ugu badan ee ay isticmaalaan madaxda maamulada waa in aysan waxaan dhaqan gali doonin sidaas awgeeda eysan rabin in Xasan Sheekh kukala dhintaan waxaan bari shaqeyn doonin.
Yuusuf Madaale isagu waa budo gaar utuman waxa uu wajahayaa cadaadis maadaama uu magcaabis madaxweyne kuyimid Caasimada Muqdisho waxaa jooga dad badan oo raadinaaya booskiisa waxaan lafahamsanyahay in madaxda sare qaarkood ee dowladda kuqanacsaneen shaqadiisa oo ay qabaan in labedalo Madaale.
Isku soo baxa noocan ah iyo weerar joogtada ee uu Madaale kuhaayo madaxda mucaaradka uma badna iney dabooli doonan eedaha waxqabad xumo ee dul hoganaya maamulka gobolka Banaadir lakiin mid waa macquul in ay udhasho madaxweyne Xasan Sheekh in uusan deg deg kubadelin.
In dhamaantood ay ka gaabsadaan madaxda maamulada qorshaha meel marinta Dastuurka madaxweyne Xasan Sheekh marka laga reebo gobolka Banaadir waxa ay hoos udhigtay rajada laga qabo in uu dhaqangal noqdo qorshan.