Muqdisho (KAAB ) Madasha MAANSHIIL ee arrimaha Koonfur Galbeed oo ay hogaamiyaan gudoomiyeyaashii hore baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo xilal sarre kasoo qabtey dalka ayaa sheegey in tiro labo jeer la hor-istaagay safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Baydhabo.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in uusan waxba iska badalin mowqifkooda Siyaasadeed, ayna wixii ka dambeeya 1-da Bisha November madaxwayne heshiis siyaasadeedkii uu kujoogey ka dhamaadey u aqoonsan yihiin Laftagareen isla markaasna dadka Koonfur Galbeed-na go’aasan doonan masiirkooda.
Hadaba war saxaafadeedka Ay soo saareen Madasha maanshiil ayaa u qornaa sida tan