SO | EN

SO | EN

Madasha samatabixinta mucaaradka iyo MW Xasan Sheekh oo markale kulmaya maanta

|

Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa lafilayaa in maanta kulan xasaasi ah ay mar kale yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Samatabixinta mucaaradka oo diiradda lagu saarayo marxaladda adag ee dalka uu ku jiro & khilaafaadka taagan.

Sidoo kale, madasha samatabixinta mucaaradka oo uu hoggaaminaayo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, ay tagi doonaan Villa Somalia halkaas oo uu ku qaabili doono madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa siyaasada oo uu ugu horeeyo Reysal kuxigeenka labaad Saalax Axmed Jaamac.
Dhanka kale, ajandaha uguweyn ee shirka maanta lafilaayo in uu ka furmo Villa Somalia ayaa ah in dib u eegis lagu sameeyo qodobadii Dastuurka ee wax ka badalka uu ku sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo kulankii hore ay isla qaateen madaxda mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh, si loogu heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta 2026.
Kahor kulan udhexeeyo madaxweynaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa yeeshay kulamo gaar gaar ah oo ay isaga xog wareysanaayeen ajendayaasha ay latagayaan shirka, haddii uu madaxweynaha iska indho tiro in dib loogu laabto wax ka badalkii hore loogu sameeyay Dastuurka KMG ah, oo ay ku heshiiyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiintan mucaaradka ah.

Natiijada shirkan kasoo baxda maanta ayaa noqon karta mid jaan goyen karta doorashada 2026, haddii ay isku aragti noqdaan madaxdan ku shirsan Villa Somalia, iyo in ay kasoo baxaan natiijooyin ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa lama huraan ah in la dhageysto aragtiyadda iyo tallooyinka dhinacyada kale ee siyaasadda sida madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo aan hadda qeyb ka aheyn shirarka mucaaradka iyo kan madaxweyne Xasan Sheekh.

Sikastaba, haddii Villa Somalia ku adkaysato rabitaankeeda siyaasadeed isla markaana mucaaradka ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed aysan kala qaybsamin, waxaa dib u abuurmi kara, hubanti la’aan siyaasadeed oo baahnsan, dalkana galin karta marxalad siyaasadeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News