SO | EN

SO | EN

Madasha Samatabixinta Mucaaradka oo war kasoo saaray xaaladda dalka

|

Muqdisho (KAAB TV) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo saaray bayaan culus oo ku dalbanayaan in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaan si deg-deg ah loo qabto doorashada maamullada.

Madasha ayaa caddeysay in aysan aqbali doonin muddo xileed dhaafsiisan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waqtiga loo asteeyay ee 15-ka May 2026.

“Si hubanti la’aan siyaasadeed looga badbaadiyo dalka, in waqtiga yar ee ka harsan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loona dhanyahay, ka fiicantii tii 2022, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri bayaan mucaaradka kasoo saaray shir labadii maalmood ee u dambeeyay ku yeelatay Muqdisho.

Sidoo kale, Madasha ayaa dalbatay in Madaxweynuhu ku laabto wax-ka-beddelkii sharci darrada ahaa ee uu ku sameeyay dastuurkii la isku raacsanaa ee 2012, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo dastuurro iska soo horjeeda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News