SO | EN

SO | EN

Madasha Samatabixinta oo baajisay mudaharaadkii Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Madasha Mucaaradka ee Samatabixinta ayaa ku dhawaaqday in la baajiyay mudaharaadkii berri lagu qaban lahaa magaalada Muqdisho.

Si kastaba, odayaal ka tirsan beesha Mudulood ayaa arrinta soo farageliyay, waxayna codsadeen in mudaharaadka dib loo dhigo sagaal (9) maalmood, codsigaasna mucaaradku wuu aqbalay.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ka dib kulan ay la qaateen odayaasha ay ka aqbaleen in muddo 9 maalmood ah dib loo dhigo bannaanbaxa, isla markaana mucaaradka iyo dadweynaha u diyaargaroobi doonaan bannaanbaxa.

Baajinta mudaharaadka ayaa loo arkaa inay la xiriirto isku dayga nabadoonada ee xallinta xiisadda iyo cadaadiska amni ee dowladda ay saartay mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News