Madasha Samatabixinta oo dowladda ku dhaliishay dhulboobka

|

Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo galabta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan culus kasoo saaray dhulboobka weli kasii socda magaalada Muqdisho, iyaga oo eedeymo culus u jeediyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay mucaaradka qabteen, kadib kulankooda ayaa sheegay in dowladdu aysan joojin barakicinta shacabka, isla markaana go’aanka burburinta lagu gaaro Vila Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

“Gurigaaga gado ama ka guur ayay maree go’aan walbana maanta waxaa laga gaaraa Villa Somalia xitaa ma xishoodaan ma aqaan siday bulshadaan ula noolaan doonaan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd.

Sidoo kale, Ra’iisu wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre oo isna ka hadlay goobta ayaa ku eedeeyay in Xasan Sheekh inuu iibsaday dhulkii lagu aaminay, isla markaana uu xargagoostay dhulboobka magaalada Muqdisho.

“Dhulkii magaalada Muqdisho ku yaallay ee lagu aaminay oo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu kitaabka gacanta u saaray isaga iyo xulafadiisa ayaa iibsadeen si sharci darro ah,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Hadda waxa socda dhulboob oo kaliya ma aha waa xaalufin waa burcad dhuleednimo sidoo kale waxa hadda socda waxay su’aal gelinayaan bulshe noocee ayaa nahay”.

Dhankiisa Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna sheegay arrinta dhulboobka ay gaartay meel xun, iskuna bedeshay bililiqo, sida uu hadalka u dhigay.

DHEERAAD:  Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo laga hor istaagay fadhiga Qaramada Midoobay

“Mushkiladda dhulka mudda waa soo jiitameysay, laakiin waxaa moodaa marba marka ka dambeysa in culayska uu sii xoogeysanayo gaar ahaan maalmahan ugu dambeeyay oo ay arrinta isku beddeshay bililiqo boob xaddhaaf ah, iyada oo cagafta ay beegsaneyso si gaar ah dadka kuwa ugu liita,” ayuu isna yiri Madaxweynihii hore Dowlad-goboleedka Galmudug.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadyadii ugu dambeeyay ay mar kale soo rogaal celisay xiisadda dhulalka ee caasimada, iyada oo maalmihii la soo dhaafay cagta la mariyay xaafado ay daganaayeen dad badan oo shacab ah.

Magaalada oo si xawli ah u ballaaranaysa ayaa waxaa ka jira muranno la xiriira lahaanshaha dhulal, dukumentiyada lahaanshaha, dhul dowladeed, dhul gaar loo leeyahay iyo dhul ay dadku sheeganayaan inay muddo dheer degganaayeen.

Arrinta ugu weyn ee hadda soo baxaysa ayaa ah in dhinacyada mucaaradka ay dowladda ku eedeynayaan inay ku guuldarreysatay inay ilaaliso xuquuqda shacabka, halka dowladda iyo maamulka caasimaddu ay u baahan yihiin inay caddeeyaan saldhigga sharci ee tallaabo kasta oo dhul ama guryo la xiriirta.

Qoysaska ku nool qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe walaac ka muujinayay burburinta guryaha iyo murannada dhulka.Qoys guri muddo dheer deganaa marka laga saaro wuxuu wajahayaa dhibaatooyin badan, oo ay kamid yihiin hoy la’aan, kharash dib-u-dejin iyo carruurta oo ka go’i karta waxbarashada.

Dhanka kale, dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir waxaa laga sugayaa jawaab cad, sharci iyo xog rasmi ah, si loo kala saaro muranka dhulka, qorshaha horumarinta magaalada iyo eedeymaha siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Muqdisho waxay u baahan tahay nidaam dhul oo hufan, sharci cad iyo ilaalinta xuquuqda shacabka, si muranka dhulalku uusan u noqon sabab kale oo keenta barakac, colaad iyo kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News