SO | EN

SO | EN

Madasha Samatabixinta oo si adag uga hor timid hannaanka loo maraayo soo xulista Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka

|

Muqdisho (KAAB TV) -Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin xubnaha ugu badan ee Mucaaradka dowladda Fedaraalka ayaa soo saaray Warsaxafadeed ay walaac xooggan kaga muujinayaan hannaanka loo marayo soo xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka.

Qoraalka kasoo baxay Madasha Samatabixinta ayaa lagu sheegay in habka loo maraayo soo xulista guddigan uu yahay mid aan sax aheyn, islamarkaana dowladda Fedaraalka ay ku hayso faragalin toos ah hanaanka loo soo xulayo guddigan.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Madasha Samatabixinta ayaa loogu baaqay dowladda Fedaraalka in si deg deg ah loo hakiyo habka loo soo xulaayo Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka.

“Madaxtooyadu iyo xukuumaddu ay faraha kala baxaan xulashada Guddiga, una daayaan xulistooda si waafaqsan Sharci Lr. 16 ee kor ku xusan. In fursad siman la siiyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee doonaya ka mid noqoshada Guddiga si ay dadkooda iyo dalkooda ugu adeegaan, lagana fogeeyo faragelinta siyaasiyiinta” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Madasha Samatabixinta.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ka dalbatay maamul goboleedyada dalka in Wasiirka Wasaarada Xuquuqul Insaanka ay u gudbiyaan min hal  xubin, iyagoo la tashanaaya Hay’addaha Bulshadda Rayidka ah ee maamul goboleed kasta.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News