Muqdisho (KAAB TV ) -Madasha samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay si rasmi ah iskaga diideen inay qeyb ka noqdaan shirka uu shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaa oo maanta ay ahayd inuu ka furmo magaalada Muqdisho.
Xoghayaha Guud ee Madashaan Dr. Maxamed Aadan Koofi oo wareysi siinaayay warbaahinta Arlaadi ayaa shaaca ka qaaday inay dhammaatay xilligii la fadhiisan lahaa gogol wada tashi balse hadda loo baahan yahay gogol si wadajir ah ay Soomaalida ugu dhan tahay ayna kaga doodi karaan xal u helida arrimaha cakiran ee ka jira Soomaaliya.
Dr. Koofi ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya aysan ku filneen in ay Doorasho qof iyo cod ah ka qabato gobolada dalka, waxaana uu tusaale usoo qaatay in shacabka Dhuusamareeb ay diideen inay kaarka codbixinta qaataan, waxaana uu carabka ku dhuftay isla sidaasi oo kale inay gobolada kale ka filayaan inay diidi doonaan.
Waxa uu soo hadal qaaday in gogosha madaxweynaha iclaamiyay ay madashu ku dareen aheyd sida ay dowladda u fakareysay balse madasha samatabixinta ay dalbatay in la cadeeyo ajendaha shirka iyo cidda ka qeyb galaysa.
“Tareenka Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh wadada ayuu ka baxay furfur uu u baahan yahay, Latashi saaxiibadiisa hala sameeyo anaga wadahadal siyaasadeed ayaan ka doonaynaa” ayuu yiri Maxamed Aadan Koofi oo ah Xoghayaha madasha samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan xubnaha ugu cad cad ee Mucaaradka Dowladda Soomaaliya.
“Madashu diyaar uma ahan gogol ay Soomaali kamaqan tahay, diyaarna uma ahan inay ka qeyb gasho gogol lagu sii kala fogeenayo Soomaalida, Waqtigii wadatashiga wuu dhammaaday, waxa hadda ay Soomaaliya u baahan tahay waa wadahadal siyaasadeed oo dhab ah.” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Dr Koofi.
Ismariwaaga siyaasadeed ee Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo dowladda federaalku ay horay u sii waddo wadahadallo ay ku lug leeyihiin kooxo siyaasadeed oo ka diiwaangashan Guddiga doorashada ee ay horey Mucaaradka u qaadaceen magacaabistooda.