Garoowe (Kaab TV)– Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland ayaa si adag uga horyimid tallaabada ay qaadeen Golaha Wasiirada maamulkaasi ee uu ku ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka hadalkan kasoo baxay Madashaan ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaasha isbeddel-doon ah ayaa waxaa lagu sheegay inay kasoo horjeedaan ku xad-gudubka Dastuurka Puntland ee maamulka muddada yar u harsan tahay ee uu hoggaamiyo Saciid Deni oo isagu caadeystay ku tumashada shuruucda maamulkaas, sida lagu yiri bayaankan.
Sidoo kale waxay madasha siyaasadda ugu baaqday Baarlamaanka Puntland in uusan ku dhex milmin damaca siyaasadeed ee Saciid Deni ayna qeyb ka noqon curyaaminta geedi socodka hanaanka dowladnimo, una horseedin Puntland hubanti la’aan siyaasadeed iyo amni Bayaanka kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxay ku cadeysay in xaalad kasta oo ka dhalata damaca arrintaan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Golaha ayaa sheegay in go’aankan uu ku meel-mariyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi u cuskaday dalabka ururada siyaasadda ee ahaa in la badiyo tirada Ururada u gudbaya xisbiyada siyaasadda, taasi oo uu markii hore gadaal ka riixayay madaxweyne Deni.
Hasayeeshee Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.