SO | EN

SO | EN

Madaxa Sirdoonka Turkiga oo kulamo layeeshay hoggaamiyaha dalka Suuriya Axmed Al-Sharaa

|

Dimishiq (KAAB TV) – Madaxa sirdoonka Turkiga iyo xubno la socday, ayaa shalay oo Axad aheyd gaaray magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, iyagoo halkaasi kulamo kula yeeshay hoggaamiyaha dalka Suuriya Axmed Al-Sharaa iyo masuuliyiin kale.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka Suuriya ee SANA ayaa shaacisay in hoggaamiye Al-Sharaa ay wafdiga Turkiga kala hadleen dhowr faylal iyo arrimo amni, waxa ay sidoo kale labada dhinac is dhaafsadeen xogo sirdoon oo aan loo soo bandhigin warbaahinta.

Sidoo kale, madaxa sirdoonka Turkiga Ibrahim Kalin, ayaa sidoo kale hoggaanka dowladda Suuriya kala hadlay sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen ammaanka guud iyo is dhaafsiga xogaha muhiimka ah ee dhinaca sirdoonka ah, si looga hortago kooxaha halista ku ah amniga labada dal.

Sikastaba, Turkiga ayaa la rumeysan yahay in ay sababta ugu weyn ee isbadalka uga dhacay dalka Suuriya, waxa ayna Turkiga taageerayeen kooxda mucaaradka hubeysan ee hadda talada dalka Suuriya xooga kula wareegay una horseeday isbadel weyn oo lagu diirsaday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News