SO | EN

SO | EN

Madaxda mucaaradka oo digniin kasoo saaray dhulalka Xasan Sheekh uu xaraashtay

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Ahmed, Ra’isul Wasaarihii hore  Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa digniin kasoo saaray dhulalka danta guud ee hadda xaraashka lagu hayo.

War saxaafadeed ay wada jir u soo saareen ayaa u qornaa sidatan:

WAR-MURTIYEED

Tix: S7/07/25

Tr: 04/01/2025

DIGNIIN KU SOCOTA GANACSATADA DHULKA DANTA GUUD LAGA IIBIYO:

Waxaa xawli ku socda xaraashka dhulkii danta guud ee dowladda, waxaa joogto noqday barakicinta danyarta, ku dul habsiga xarumo waxbarasho iyo kuwo daryeel caafimaad, iyadoo dhulka badankiis si xaraash ah looga iibinayo ganacsato, halka qaar la siiyo qoysas gaar ah, qaar kalana lagu laaluusho siyaasiyiin.

Waxaa si bareer ah loo jebiyey qodobbo dastuuri ah iyo dhammaan sharciyada la xiriiray bixinta, iibinta, bedelidda dabeecadda hantida danta guud. Waxaanna qodobbadaas ka mid ah:

  • Qodobka 26aad iyo qodobka 43aad ee dastuurka: Oo qeexaya mabaadi’da guud oo ay tahay in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo siyaasadaha quseeya dhulka iyo hantida guud, farayana xukuumadda dejinta siyaasad qaran ee hantida guud.
  • Qodobbada 50aad, 51aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, December 2019): Ku saabsan hantida danta guud.
  • Qodobbada 87aad, 681(3)aad, 723(1)aad, 730aad ee Xeerka Madaniga Soomaaliyeed (Xeer Lr. 37, 1973): Ku saabsan xeerinta hantida guud iyo bedelidda dabeecadda hantida danta guud.
  • Qodobka 6aad ee Xeer Lr. 41 (Urban Land Distribution): Soo baxay 13 September 1973, oo mamnuucaya iibinta iyo wareejinta hantida danta guud iyadoo xeer gaar ah uusan jirin.

Waxaa kaloo si bareer ah loo hareer maray:

  • U sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa.
  • Dammaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta.
  • Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyadoo aan dhibaato loo geysan.
  • Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
  • Xadeynta dhulka qof ama shirkad yeelan karaan.
  • Nidaaminta dhaq-dhaqaaqa suuq ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takri-falidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.

Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacsatada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay, in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan:

  1. In milkiyadda hanti aan lagu heli karin qof saxiixiis ee dastuur iyo sharci lagu hantiyo.

2. In sifo sharci ah oo keli ah lagu milki karo dhulka dowladda, diiwaanka danta guudna looga saari karo.

3. In cid kasta oo hanti qaran sifo sharci darri ah looga iibiyey, hibeeyey, qaanbaxay, ama lagu laaluushay ogaato, waxay haysataa waa BOOLI QARAN.

4. In qof waliba oo ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada, iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu dambiile yahay, lalana xisaabtami doono iyadoo la marayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah intaba.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News