SO | EN

SO | EN

Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiin caan oo iska diiday qorshaha muddo kordhinta Xasan Sheekh

|

Muqdisho (KAAB TV) – War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen qaar kamid ah midowgii hore ee musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ay uga soo horjeesteen tallaabooyin uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya iyo qorshaha muddo kororsiga uu wado.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta ay ku jiraan madaxweyne hore, guddoomiyaal Baarlamaan iyo ra’isul wasaarayaal ayaa waxa ay ka digeen in dalka halis la galiyo lana abuuro khalalaase siyaasadeed, waxa ayna diideen in awood qeybsiga dalka hadda ku dhisan yahay heshiis la’aan la bur buriyo.

Dhanka kale, Waxa ay sidoo kale siyaasiyiinta madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeen in uusan isku dayin muddo kororsi sharci darro ah oo loo sameeyo dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda federaalka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hore ushaaciyay mowqifkooda ku aadan qorshaha muddo kororsiga ee uu rabo Xasan Sheekh in uu muddo kordhin ugu sameeyo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo ay hada maamulada qaarkood kajiro qilaaf siyaasadeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News