SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubaland oo Nairobi kulan kula yeeshay Safiirka dowlada Sweden ee Soomaaliya

|

Nairobi  (kaab tv) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Safiirka dowlada Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri, “Kulanka ayaa lagaga hadlayay mashariicda dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska ee dowlada Sweden ay ka tageerto Jubaland sidii loo balaarin lahaa gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.”

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern ugu mahaceliyey soo dhaweyn uu u sameeyey.

Dowladda Sweden ayaa qeyb ka ah dowladaha ka tirsan Midowga Yurub ee Soomaaliya ka fuliya mashaariicda dhanka dhismaha ciidanka, arrimaha bini’aadannimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News