DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Guddi ka kooban Shan Wasiir u Magacaabay in ay ka hortagaan Colaad dad badan ay ku dhinteen oo u dhaxeysa Beelo walaalo ah oo wada dega inta u dhaxeysa Degmada Caabudwaaq iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud.
Dagaal beeleedka ayaa qeyb ka ah dagaal beeleedyada ku soo noq noqday gobolka Galgaduud kuwaas oo inta badan geysta khasaare naf iyo maalba leh.
Dagaal beeleedka ayaa la sheegay in ay ku lug leeyihiin labo beelood oo walaalo ah oo colaado soo noq-noqday. Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in uu balan qaaday in uu xooga saari doono sidii loo dhameyn lahaa dagaal beeleedyada soo noq noqday ee lagu wiiqay howlgalada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer baaq nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya dalka oo ay ka mid yihiin dowlad goboleedka Galmudug iyadoo baaq nabadeed u dirtay odayaasha dhaqanka, waxgaradka deegaanka iyo dowlad goboleedka Galmudug in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo dhameyn lahaa colaadda, nabad waartana loo dhex dhigi lahaa beelaha wada dega. deegaanka.
Odayaal ka soo jeeda gobolka ayaa beryahanba waday dadaallo lagu joojinayo dagaalka, isla markaana miiska wadahadalka la isugu keeno dhinacyada dagaallamaya si xal nabadeed loo gaaro.


