Madaxweynaha Galmudug oo ku eedeeyay siyaasiyiinta inay hurinayaan colaad beeleed ka taagan gobolka Mudug.

|

Dhusamareb (KAAB TV) -Madaxweynaha maamul goboleedka almudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ayaa ku eedeeyay kooxo dano siyaasadeed ka leh in ay hurinayaan dagaal beeleed u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Qor Qor ayaa sheegay in shaqsiyaadka leh damac siyaasadeed oo sii xumeynaya colaada beelaha walaalaha ah ay ka dhib badan yihiin dhibaatada Al-Shabaab ay ku hayaan bulshada dhexdeeda.

“Laba dhibaato ayaa ka dhex jirta shacabka, waa kow cadowga argagaxisada ayaa qarankeena hurinaya, marka labaad dadka siyaasiyiinta sheeganaya ee aan Alle ka baqayn ayaa qaranka duminaya”ayuu yiri Madaxweyne Qor Qor.

Wuxuu soo dhaweeyay dadaallada xabad joojinta ah ee ay wadaan aqoonyahanno iyo guddiyo ka kala socday labada maamul oo socdaal ku tagay deegaannadii lagu dagaalamay, si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadkii dagaalamay, ayna soo qaban qaabiyeen shir nabadeed.

Dagaal beeleed todobaadkii hore ka dhacay ayaa sababay dhimashada ku dhawaad ​​30 ruux iyo dhaawaca in ka badan 50 kale oo ka dhacay deegaan miyi ah oo u dhaxeeya Goldogob iyo Saax Qurun ee gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa waxaa ku lug leh maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Sacad iyo Lelakase oo ka dhashay muran dhul.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News