Galmudug (KAAB) – Madaxweynaha dowladd goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamarreeb ka furay shir looga hadlayo dib u xoreynta deegaannada ku haray gacanta Al-Shabaab.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa deegaannada Galmudug ee ku haray gacanta Al-Shabaab isla markaana loogu diyaar garoobo si heer sarreysa.
Deegaanada gacanta ayaa Kooxda Al-Shabaab wali kujira waxaa kamid ah, Ceelbuur, Ceelgaras iyo Galhareeri ayaa ka mid ah degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo weli gacanta ugu jira Al-Shabaab.
Dhanka kale, Qoorqoor ayaa ugu baaqay qeybaha bulshada Galmudug in la taageero howlgalka degaanadaas looga saaray Al-Shabaab oo muddo dheer ka talineysay.
Dowlada Somaaliya ayaa wada abaabulka wejiga labaad ee howlgalka Al-Shabaab looga saarayo degaaano ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug oo weli gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab.