SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay saraakiisha amniga

|

Jowhar (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay Wasiirka Amniga Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiyaha degmada Jowhar iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka, isagoo kala hadlay xoreynta deegaannada ay kaga harsan yihiin Al-Shabaab dhulka Maamulka Hirshabeelle.

Saraakiisha ammaanka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay howlgallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga iyo istaraatiijiyada ciidan ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

“Waa in aad kordhisaan dadaallada aad ku bixineysaan sugidda amniga iyo ciribtirka Khawaarijta, waan idin ammaanayaa, waayo amniga ayaa ah muhiimadeyda koowaad, waxaan farayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka in ay si dhab ah u gutaan waajibaadkooda shaqo,” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa sanadkii hore ka xoreeyay deegaano dhowr ah oo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kadib dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Si kastaba ha ahaatee, weerarka ayaa hakad galay sanadkan kadib markii ciidamada ammaanka ay la kulmeen dib u dhac ku yimid howlgallada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News