Beledweyne (Kaab TV) – Dekreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Guddoomiyihii Gobalka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo kaalin weyn ka qaatay dagaalka Al-shabaab looga saaray degaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Xil ka qaadista ayaa lagu sheegay wareegto uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo sidoo kale xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow.
Guddoomiyaha Xilka laga qaaaday ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan , ayaa Muddooyinkii dambe waxaa uu horkacaayay ciidamadda Dawlada Federaalka iyo kuwa dib u xoreynta ee gobolka Hiiraan kuwaas oo daagaal kula jiray Alshabaab .
Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu tallaabadan uu qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo “markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla” maamulka gobolka Hiiraan “iyo mideynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” dowladda HirShabeelle.
Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte ayaa dhowaan sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh.
Jeyte ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne.
Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, ayaa mar sii horreysay sheegay in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isla-markaana xilka looga qaadi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale xusay in beddalka Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Al-Shabaab, isla-markaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka.