Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ayaa ku dhintay burburka diyaaradda

|

TEHRAN (KAAB TV) – Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda Hossein Amir-Abdollahian iyo dhowr kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo Axadii ka dhacay waqooyi-galbeed ee Iran, sida uu sheegay TV-ga dalka Iran.

Mas’uliyiitan ayaa saarnaa diyaarah helicopter ah oo ka timid dhanka dalka Azerbaijan oo ay Iran deris yihiin shalay Axaddii.

Saddex diyaaradood oo kolonyo ah ayay ahaayeen. Labadii kale waxay ku soo degeen si nabad ah, hase ahaatee diyaaraddii siday Madaxweynaha ayaa la waayay, waxayna ku dhacday buuraley.

Mas’uuliyiinta Bisha Cas ayaa sheegay in diyaaradda markii ay dhacday ka dib ay gubatay dhammaanteed.

Waxaa illaa shalay socday gurmadka lagu baadi goobaayo burburka diyaaradda saday madaxweyne Raisi.

Dalka Iran waxaa tan iyo shalay isu soo baxay dadweyne masaajida kasoo akhrinayey duco, ka dib markuu sidaasi codsaday hoggaamiyaha sare ee Iran.

Dalka Iran waxaa tan iyo shalay isu soo baxay dadweyne masaajida kasoo akhrinayey duco, ka dib markuu sidaasi codsaday hoggaamiyaha sare ee Iran.

KUMUU AHAA RAISI?

Ebrahim Raisi waa wadaad mayal adag oo aad ugu dhow hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei. Doorashadiisii ​​madaxweynenimo ee 2021 ka dib wuxuu xoojiyay xukunkiis kali taliska ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Sanadkii 1960-kii ayuu ku dhashay magaalada Mashhad oo ah ubucda madhabta Shiicada ee dalka Iran, waxa uuna raacay wadadii uu maray aabihiis oo sidoo kale ahaa wadaad, waxa uuna bilaabay in uu qaato siminaaro diini ah isaga oo 15 jir ah.

Waxa uu ka qayb qaatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday Boqor Shahii Iran xukumayey oo ay reer galbeedku taageeri jireen, kaas oo xukunka laga tuuray 1979-kii.

Raisi isaga oo arday ah, ayuu uu noqday ku xigeenka dacwad-oogaha Tehran wuxuuna ahaa da’da 25 jir.

Dabayaaqadii 1980meeyadoo, ayuu ka mid noqday koox maxkamado sir ah fulisay oo la rumaysan yahay in ay kumannaan maxaabiis siyaasadeed ku xukuntay dil, taas oo ay kooxaha xuquuqul insaanka ku sheegtay in ay ka dhigan tahay dembi ka dhan ah bini’aadminimada.

Raisi ayaa xilka madaxweynenimada kala wareegay Hassan Rouhani ka dib doorasho laga hor joogsaday musharixiin badan oo dhacday bishii August 2021.

Waxa uu xukunka la wareegay Iran oo ay horeba uga jireen caqabado kala duwan, laakiin waqtigiisa wuxuu la kulmay mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo oo sii kordhay iyo sidoo kale dagaalka hadda ka socda Gaza.

GEERIDIISA KA DIB

Geerida Madaxweyne Raisi lama filaayo inay wax badan iska bedelaan xaaladda siyaasadeed ee Iran. Caadi ahaan hadduu madaxweyne dhinto waxaa xukunka si ku-meelgaar ah loogu wareejiyaa madaxweyne ku xigeenka ka hor intaan doorasho lagu dhawaaqin 50 cisho gudahood.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Hossein Amir-Abdollahian ayaa ka mid ah dadka dhintay ee la xaqiijiyay.

DADKA SAARNAA DIYAARADDA

Diyaaradaha helicopter oo nooceedu ahaa Bell 212 ayay saarnaayeen Madaxweyne Raisi iyo xbnaha la socday. Xubnaha diyaaradda saarnaa ayaa la shaaciyay, kuwaasoo kala ah:

  1. Madaxweyne Ibrahim Raisi

2. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hossein Amir Abdollahian

3. Guddoomiyaha gobolka bari ee Asarbayjan Malek Rahmati

4. Imaamka masjidka magaalada Tabriz Mohammed Ali Alehashem

5. Duuliyaha

6. Caawiye duuliye

7. Madaxa Shaqaalaha

8. Madaxa Amniga Madaxweynaha

9. Hal waardiye

Dhammaantood waxaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen burburka diyaaradda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News