SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Itoobiya oo warqada Danjirenimo kagudoomay Safiirka Somalia

|

Addis Ababa (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle Work Zewde ayaa maanta si rasmi ah ugu gadoontay warqada Danjirenimo Safiirka Soomaaliya ufadhiyo dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Sidoo kale, munaasabad heerkeedu sareeyo oo kadhacday aqalka madaxtooyada Itoobiya ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu soo dhaweeyay Danjire Maxamed Cabdullaahi Warfaa iyo qaar kamid ah diblumaasiyiinta Safaarada Itoobiya.

Dhanka kale, Sahle Work Zewde oo ah madaxweynaha dalka Itoobiya iyo Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay iskugu afgarteen sidii loo xoojin lahaa iskaadhiga kadhexeeyo labada dal ee Soomaaliya Itoobiya.

Itoobiya oo ay gudaha Soomaaliya kajoogaan ciidamo badan oo qeyb ka ah kuwa Midowga Africa ayaa Soomaaliya ka taageero dagaalka lagula jiro Kooxda Al-Shabaab.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News