Kismaayo (KAAB TV) – Madaxweynha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe ayaa maanta oo sabti ah magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha kataagan deegaannada dhaca maamulka Jubbaland.
Sidoo kale, Axmed Madoobe guddigan uu magacaabaya ayaa waxa uu guddoomiye uu uga dhigay madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubbaland Suldaan Cabduqaadir Lugadheere guddigan waxaa qeyb ka ah xildhibaano iyo Wasiiro.
Dhanka kale, deegaanada iyo degmooyinka dhaca Jubbaland waxaa kufatahay Wabbiga Jubba, waxaan kadhashay fatahaa-dahaas khasaare kala duwan oo isugu jiray dhimasho, bur-bur barakac iyadoo asyii jiraan dhibaatooyin intaas kabadan.