Kismayo (KAAB TV) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka, Korneyl David Haskell, isagoo kala hadlay howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray howlgallada socda iyo taageerada dhanka amniga ah ee Mareykanka uu ka geysto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Waxaan ka wada hadalnay dadaallada dib u soo cusboonaaday ee guulo laga gaaray ee lagu xoraynayo deegaano hor leh oo ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Jubbaland, waxaana ku boorrinay dowladda Mareykanka inay sii waddo caawinta shacabka Soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta,” ayuu Madaxweyne Madoobe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter-ka hore) ).
Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in Korneyl David Haskell uu bogaadiyay howlgallada lagu xoreeyay deegaanka Buuloxaaji iyo nawaaxigeeda. Waxa uu xusay in guulihii laga gaaray howlgalladan ay muujinayaan sida ay Jubbaland uga go’an tahay xoreynta deegaannada weli ku jira gacanta Khawaarijta.
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta General Ismaaciil Saxardiid ayaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka.