Kismaayo (Kaab TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) ayaa Maamul cusub oo hoostagaya Jubbaland u Magacaabay Maamulka Gobolka Gedo.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa u dhigneyd sidatan:
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay: Dastuurka Jubbaland qodobkiisa 72aad, Fargada shanaad ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubbaland.
Markuu Garwaaqsaday Muhiimada ay leedahay in maamul loo sameeyo gobolka Gedo;
Markuu Latashaday Madaxweyne ku-xigeenada Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabduqaadir Lugadheere.
Gobolka Gedo ayaa ah gobol inta badan aan gacanta ugu jirin maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna intii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga xukumi jiray Villa Somalia.
Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan Gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay awood ciidan ku joogaan gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay inuu xal u heli doono xiisadda gobolka Gedo, balse weli uma dhaqaaqin inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadaas.
Wuxuu Madaxweynaha Maamulka Jubbaland u magacaabay,
1. Cabdullahi Cabdi Jaamac Gudoomiyaha Gobolka Gedo.
2. Cusmaan Nuux Xaaji Macalimu G/Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.
3. Nasteex Cabdi Saalax G/ Kuxigeenka Maaliyadda.
4. Ibrahim Madoobe Maxamed G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada.
5. Maxamed Xuseen Isaaq Qaadi G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka.