SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Kenya oo ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay ka hortagto ka bixitaanka ciidamada ATMIS Soomaaliya.

|

NAIROBI (KAAB TV) –  Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa walaac xoogan ka muujiyay cawaaqib xumada ka dhalan karta in ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay isaga baxaan Soomaaliya.

Hadal uu dhawaan soo saaray Madaxweyne Ruto ayuu kaga digay in Kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ay la wareegi karto guud ahaan dalka Soomaaliya haddii ciidamada Midowga Afrika ay isaga baxaan December 2024-ka.

Ruto ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kala hadlay arrintaasi, balse ay isku fahmi waayeen ka bixitaanka ciidamada ATMIS.

Madaxweynaha Kenya ayaa hadda ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay soo fara geliso, isla markaana ay ka hortagto ka bixitaankooda, isagoo ku sababeeyay dhibaatada amni darro ee gobolka.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa khatar joogto ah ku haysa Soomaaliya iyo deegaanada ku dhow dhow. Ciidamada ATMIS, oo ka kooban ciidamo ka kala socda dalal kala duwan oo Afrikaan ah, ayaa door muhiim ah ka qaatay la dagaalanka ururka argagixisada iyo ilaalinta xasiloonida gobolka.

Ka bixitaanka ciidamada ATMIS-ku waxa ay abuuri kartaa mawdin awoodeed oo ay Al-Shabaab ka faa’iidaysan karaan si ay u balaariyaan awoodooda iyo maamulkooda. Codsiga Madaxweyne Ruto ee faragelinta Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqaysa xaaladda degdegga ah iyo baahida loo qabo in la sii wado taageerada caalamiga ah si looga hortago khatarta Al-Shabaab.

Iyadoo dunidu ay isha ku hayso isbedellada ka socda Soomaaliya, waa in beesha caalamku ay meel uga soo wada jeestaan ​​sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha dhinaca ammaanka, loogana hortagayo burburka suurtagalka ah ee uu dalku u gacan gelinayo argagixisada.

Toddobaadyada iyo bilaha soo socda waxay muhiim u noqon doonaan go’aaminta mustaqbalka Soomaaliya iyo dagaalka ballaaran ee ka dhanka ah argagixisada ee gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News