BAYDHABO (Kaab TV) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu sabab u yahay dib u dhaca doorashooyinka Dowlad Goboleedyada dalka.
Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in tan iyo 2022, madaxda Dowlad Goboleedyadu ay codsanaeen in loo oggolaado qabashada doorashooyinkooda, balse wuxuu sheegay in mar kaste laga hor istaagnaa.
“Laba kun iyo labaatan bishii sagaalaad, markhaati bay leedahay madaxda dawlad-goboleedyadu oo dhan oo joogay NCC, ayaan codsaday oo aan iri doorasho aan galno. madaxweynuhu wuxuu na dhahay Lama galaayo doorashooyinkaa la mideynayaa,” ayuu yiri Lafta Gareen.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa intaa ku daray in dhowr jeer uu u tagay Muqdisho iyo Dhuuso Mareeb si arrimaha doorashada loo horumariyo, balse ay caqabado kala kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya, oo uu sheegay inuu mar walba u sheegayay madaxda Dowlad Gobleedyada inay iska sii joogaan ilaa doorashooyinka laga midaynayo.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisa uu jaray xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Laga bilaabo maanta wax xiriir ah nagama dhexeeyo dowladda federaalka ilaa laga keeno wax Soomaali isku raacsan tahay,” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo.
Lafta Gareen ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay faragelin ku hayso maamulkiisa, taasoo uu sheegay inay halis gelinayso nidaamka federaalka iyo midnimada dalka.

