SO | EN

SO | EN

madaxweynaha Puntland oo lagu eedeeyay inuu hor istaagay dhowr mashruuc oo horumarineed

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/qafaar Xasan Xaange, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha   Puntland Siciid Deni inuu hor istaagay Mashaariic badan oo shaqo abuur iyo fursado kale u abuuri lahaa Shacabka Puntland.

Wasiir Xaange  ayaa ku nuux nuuxsaday in tobaneeyo mashruuc oo ay ku baxayso boqolaal milyan oo dollar ay miiska saaran yihiin, kuwaas oo sugaya saxiixa madaxweynaha   Puntland.

Mashaariicda la sugayo waxa ka mid ah mashruucii mushaharka macalimiinta qaranka, mashruuca caafimaadka Damal, mashruucii Barwaaqo (oo hore loo odhan jiray Biyoole), mashruuca kabka miisaaniyada, mashruuca tamarta iyo korontada, sida uu wasiirku sheegay.

“Den waxa uu rabaa in uu dadka reer Puntland gaajo u dilo oo uu shaqo la’aan ka dhigo, oo aan loo ogoleyn in ay fikiraan, taas oo ah astaamaha lagu yaqaan kaligii-taliye” ayuu yiri C/qafaar Xaange.

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu isku xumeynayo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda Federaalka iyo mashaariicda horumarineed ee maamulkiisa.

Bishii Maajo 2023, wasiir ku xigeenka maaliyadda Cabdiqafaar Xasan Xaange ayaa sheegay in mucaaradnimada Deni ee dowladda federaalka ay ka dhalatay markii uu ku guul darreystay inuu noqdo Ra’iisul wasaare.

Sanadkii hore, 2022, Deni wuxuu si cad u taageeray  xasan sheikh Maxamuud xilligii ugu dambeysay ee doorashada madaxtinimada qaranka, taasoo keentay in xasan sheikh  Maxamuud uu ka adkaado Madaxweynihi hore  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xilligaas, dadka siyaasadda falanqeeya ayaa si weyn u saadaalinayay in  xasan sheikh Maxamuud uu u dooran doono Deni ama mid ka mid ah xubnaha ay isku dhow yihiin ee Ra’iisul Wasaaraha, balse taasi ma dhicin.

Si kastaba ha ahaatee, todobaadkii hore, maamulka qaniga ku ah shidaalka, ee Puntland ayaa sheegay in ay u shaqeyn doonaan sidii dowlad ka madax banaan Soomaaliya ilaa inta laga ansixinayo isbedelada dastuurka Soomaaliya ee la ansixiyay iyadoo loo marayo afti dadweyne.

Puntland waa dhul ay ku nool yihiin ilaa 4.9 milyan oo qof oo ku nool waqooyi bari Soomaaliya. Bishii Janaayo, xildhibaanada gobolku waxay dib u doorteen Siciid Cabdullaahi Deni inuu noqdo madaxweynaha shan sano oo kale

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News