SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dalab kasoo saaray Gobolka Gedo

|

Garoowe (Kaab TV) – Madaxweyne Siciid Deni ayaa khudbad uu ka jeediyay kalfadhiga baarlamaanka Puntaland kaga hadlay xaalada dalka.

Madaxweyne Deni ayaa waxa uu ka hadlay xaalada gobolka Gedo taaso muddo saddex sano ah uu kajiro qilaaf maamul oo udhexeyso Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo.

“Dowladda Puntland waxay walaac ka muujineysa xaalad amni iyo xasillooni darada siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay gobolka Gedo,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

“Waxaan madaxda dowladda Federaalka ugu baaqaynaa in aysan ku kicin, ficil la mid ah midkii ayaga laftooda dhibanaha u ahaayeen, ee diyaaraddii ay la socdeen hawada laga celiyay loo diiday inay gudaha dalka ku safraan ficiladii madaxda federaalka ee horay madaxdii ka horeysay ugu cambaareyn jireen ee xayiraada duulimaadyada rakaabka ee gudaha dalka Waa nasiib darro in maanta dowladda federaalka ku caburineyso dadka Gobolka Gedo wixii ay horay u diideen” ayuu yiri Siciid Deni.

Dhanka kale wuxuu maamulka Jubbaland uu ugu baaqay, in ey sameyo dib uheshiisiin si loo xaliyo xiisada kajirto gobolka Gedo, yaanan loo adeegsan xabad iyo caburin.

Khilaafka gobolka Gedo kajiro marba marka kadambeyso kasii daraayo iyadoo muddo saddex sano ah uu kajiro khilaaf maamul iyo mid siyaasadeedba, waxaana khillfka sii kiciyay kadib markii uu Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo, iyado ey kasoo horjeesteen magacaabista maamulka hada joogo gobolka Gedo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News