Madaxweyne Hassan Sheikh Mahamud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa mar kale farriin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa dhalintaas ugu gacan haatiyey inay ku soo noqdaan dadkooda oo naftooda badbaadiyaan, isagoo balan qaaday in qofkii ka soo hara Al-Shabaab uu xornimo iyo ammaan ku noolaa doono.
“Walaalayaal, dalkaan iyo dadkaan ayaad ka dhalateen oo dal kale ma lihidiin, kasoo noqda waxaa ku jirtaan, u soo noqo dadkaaga iyo diintaada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan jirin sabab maanta ku qasbi karta in wiil Soomaaliyeed uu cabsi god kula jiro, isagoo dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab ka codsaday inay isaga soo baxaan dhibka ku heysta duurka.
“Walaal ma jirto sabab aad maalmo badan god ugu jirto oo ugu dhex-saxarooto cabsi darteed, maxaad ku muteysatay ciqaabtaas aad naftaada gelisay? Hadii lagu siray, hadda ayaan kuu sheegeynaa diin iyo dadnimo wax aad difaaceyso habayaraatee ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Xasan Sheekh oo khudbadaan maanta ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa shaaciyey go’aanno ay dowladda ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee mas’uuliyiinta dowladda ay ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.