Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa tababar usoo xiray ku dhawaad Afar kun oo shaqaalaha dawladda ah oo bartay Dastuurka iyo Waddaniyadda.
Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madax ka socotay hay’adaha madaxa bannaan, hormuudka jaamacadaha dalka.
Guddoomiyeyaasha jaamacadaha Hargeysa, Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse iyo Cammuud, Dr. Maxamed Muuse iyo guddoomiyihii hore ee jaamacadda Camuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo hadallada u kala dambeeyey, ayaa masuuliyiinta wasaaradda uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay shaqaalaha dawladda ugu hubaynayaan aqoonta Dastuurka iyo barashada waddaniyadda.
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo madasha shaqaalaha tabobarka loogu xidhayey ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in shaqaalaha dawladda laga haqabtiro barashada Dastuurka, lana fahamsiiyo qiimaha uu dalkoodu leeyahay.
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Khaalid Jaamac Qodax iyo guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, ayaa iyaguna dhankooda bogaadiyey shaqaalaha tabobarka dhammaystay, waxana ay kula dardaarmeen in culuumta ay barteen ku dabbaqaan shaqooyinka ay bulshada u hayaan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadda khudbad ka jeediyey, ayaa guul qaran ku sifeeyey inay dhallinyarada qaranka u shaqaysaa bartaa Dastuurka iyo waddaniyadda, isaga oo si kooban u sharraxay qobobbo muhiim ah oo dastuurka kamid ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey fikirka ay wasaaraddu hormuudka ka tahay ee kor loogu qaadayo wacyiga dhallinyarada dawladda u shaqaysa ee dhinaca Dastuurka iyo waddaniyadda.
“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan kasoo qaybgalo xafladdan oo ah mid horumar ah oo danta qaranka hawlaheeda lagu dhisayo oo dad danta qaranka naftooda u hurayaan ay ka hawlgaleen oo ay isugu yimaadeen haldoorkii dalku.” ayuu yiri Muuse Biixi.
Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey qaar kamid ah shaqaalaha dawladda ee dhammaystay tababarka.













