SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti xili xiriirka ka labada dhinac aanu fiicnayn

|

HARGEYSA (KAAB TV) -Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa maanta safar shaqo oo socon doona muddo saddex cisho ah ugu kicitimay dalka Jabuuti.

Sida ay baahisay Madaxtooyadu, Madaxweynaha waxaa safarkaasi ku wehelinaya xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah Xukuumadda.

“Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona danaha u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti,” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo ay Madaxtooyadu kaga hadashay safarka Madaxweynaha.

Safarkan ayaa imanaya xilli uu xumaaday xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti sannadihii u dambeeyay, kadib markii Jabuuti ay khatar dhaqaale u aragtay isla markaana ay dagaal ka gashay heshiiskii badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Biixi oo heshiiska la gashay Itoobiya, ayaa Jabuuti ku eedaysay in ay jabisay heshiiskii jaar-wanaagga, isla markaana ay dalkeeda ku martiqaadday xubno ka socda dhaqdhaqaaqa Awdal State iyo maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo Jabuuti ay eedahaasi iska difaacday.

Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cirro ayaa sheegtay in ay dib u soo celinayso xidhiidhkii labada dhinac, iyadoo la filayo in dhinacyadu gaadhaan heshiisyo lagu xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland ayaa tan iyo markii la doortay laba safar oo isku xigxigay ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, safarkan Jabuutina wuxuu noqonayaa kii saddexaad ee uu ugu baxo dibadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News