SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo isku arkay Jabuuti

|

Jabuuti (KAAB TV) – Jabuuti Waxaa shalay gaaray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ka dib casuumad uu ka helay dhigiisa Jabuuti.

Sidoo kale, Socdaalkiisu Waa Hal Maalin, Waxaana Qoraal laga soo saaray Villa Somalia lagu sheegay inay labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan Danaha labada Wadan.

Dhanka kale, Waxaa isna gaaray Isla Jabouti Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Dr. Gedion Timothewos, isagoo la kulmay Dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibada ee Djabouti.

Lama oga inuu xiriir ka dhexeeyo Safarka Madaxweynaha Somalia iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia ku tageen Jabuuti, mana jiraan calaamado muujinaya arrintaas

Sidoo kale, Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee haya talada Somaliland ayaa isna maalmahanba ku sugnaa Jabouti, iyagoo kormeeray Xafiiska Somaliland ee Jabuuti oo intii u dambeysay muddo xilleedka Madaxweynihii hore xirnaa Maadaama ay Somaliland iyo Jabouti Cilaaqaadka isu jareen bilihii u dambeeyey ee uu xilka hayey Muuse Biixi.

Si kastaba lama oga waxaa isku soo beegay wufuudan ku wadan sugan Jabuuti, waxayna ku soo aadeysaa xili xiisado iyo isbedelo siyaasadeed ay ka socdaan geeska Afrika.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News