SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiyay Dalalka aqoonsaday Falastiin

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay shir gaar ah oo looga hadlay aqoonsashada Dowladda Falastiin ayaa bogaadiyay dalalka aqoonsaday Dalkaas, waxaana uu sheegay in mowqifkooda ay ku saxan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa markale ku celisay in ay garab taagan tahay Falastiin oo xaalado amni darro iyo duruufo ka dhashay go’doominta bani aadamnimo ee Israa’iil wajahaya, waxa ay ku baaqday in xal waara loo degdeg ah loo helo.

Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlad xooggan oo Falastiin leedahay ay taageereyso xasiloonida Bariga Dhexe isla markaana kafaalo qaadayso xuquuqda Dadkaan dhibaatooyinka adag wajahaya ee u baahan in la dhinac istaago.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, isla markaana taageero joogto ah u muujisay dadaallada lagu xaqiijinayo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah” ayaa lagu yiri war lagu daabacay barta Madaxtooyada Soomaaliya.

“Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiirigelinaysaa dalalka qaatay go’aanka taariikhiga ee ku aaddan ictiraafka dowladda reer Falastiin, taas oo xoojinaysa xasilloonida iyo nabadda gobolka, xaqiijinaysana xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiin” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Villa Somalia.

Soomaaliya oo sanadkaan xubin ka ah 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa soo jeedisay in aan la daawan dhibaatooyinka Israa’iil ay u gaysaneyso Shacabka Falastiin, waxa ay soo jeedisay in xoogga la saaro dhismaha Dowlad Falastiin leedahay oo caasimadeedu tahay Qudus.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News